Ciidamada Ruushka oo kaabiga u saaran magaalada Bakhmut ee Ukraine

Mosko (Raxanreeb) — Ciidamada Ruushka ayaa ku soo siqaya dhanka magaalada Bakhmut ee Ukraine oo ay haatan dhul ku dhaw gacanta ku dhigeen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku tilmaamay magaalada bariga ku taal inay tahay mid muhiimah. Ciidamada Ruushka ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay isku dayay inay qabsadaan Bakhmut, xilli ay Hadda xoojiyeen weerarkooda.

Qaar ka mid ah dagaaladii ugu xooganaa ee duulaanka ayaa ka dhacay halkan. Haddana ciidamada Kremlin-ka ayaa sii xoogaysanaya.

Waxaa jira warar sheegaya in halkaas ay ku yaalaan gaymo ay ku jiraan meydadka ciidamado Ruush ah.

Moscow hadda waxay haysataa awood ay ku maamusho labada waddo ee muhiimka ah ee soo gala magaalada Bakhmut.

Ruushka ayaa duullaankiisa sannad jirsaday asagoona dagaalka ku noqday si lama filaan ah uusan u maleysan karin dagaalka Ruushka ayaa lahaa 1 bil ayaad kusoo gabagabeeyn dhammaan dalka Ukraine.

Leave a Reply

Your email address will not be published.