Afmadow (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saakay aroortii hore xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah xero ciidan oo ku taalla duleedka Afmadow ee gobolkaasi.
Qaraxyada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana kaddib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo sidoo kale ciidamadii ku sugnaa saldhiggaasi la weeraray.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weli xaaladdu ay cakiran tahay, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weerarkaasi.
Al-Shabaab oo war kasoo saartay waxa ay sheegtay inay beegsatay gudaha saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan millatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiisay askartii iyo saraakiishii ku sugneyd halkaasi, walow aysan sheegin tiro rasmi ah.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ah kasoo baxay saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan degmada Afmadow oo ku aadan weerarkaasi ku billowday qaraxyada is-miidaaminta ahaa.
Xerada la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayay howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo ka billaabanaya gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya deegaannada ka maqan Jubbaland.
Sidoo kale waxaa Afmadow ku sugan Wasiirka Amniga Jubbaland iyo taliyaha qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga, kuwaas oo abaabul ka dhan ah Al-Shababa ka wada deegaankaasi.
Weerarka Al-Shabaab ayaa u muuqdo mid ay isaga hortageyso dhaq-dhaqaaqyada dowladda federaalka iyo Jubbaland ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka, waxayna saaka beegsatay mid kamid ah xerooyinka ugu muhiimsan ee lagu diyaarinayo ciidanka ka howlgalaya halkaasi.
Maalmihii ugu danbeeyay Kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada is-miidaaminta ah waxayna horay uga fulisay gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan & Shabeellaha Dhexe Shabeellaha Hoose, halka maanta ay ku qaadeen Jubbada Dhexe.