Dowladda Jabuuti oo beenisay inay lug ku leedahay hurinta dagaalka Laascaanood

Jabuuti (Raxanreeb) — Dowladda Jabuuti ayaa war rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya magaalada Laascaanood, islamarkaana aysan cidna la safan.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa jiray warar ku saabsan in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu soo faro-geliyey dagaalka ka socda Laascaanood oo maanta galay maalintii sideedaad, iyo inuu la saftay dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya.

Warkan ayaa markii hore wuxuu ka yimid Xoghayaha Guud Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu oo sheegay inuu jiray door nabadeed oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka qaatay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo.

Sidoo kale, Xisbiga Dimuqraadiga Jabuuti (PADD) ee mucaaradka ah ayaa 10-kii bishan ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu aqbalay in uu gacan siiyo ciidamada Somaliland.

“Tan iyo dhamaadkii Janaayo 2023, iyo tan iyo markii ay bilowdeen iska hor-imaadyada tooska ah ee Laascaanood, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu faragelin ku hayay arrimaha gudaha ee Soomaaliya isagoo ku marmarsiyoonaya inuu ka shaqaynayo nabadda,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka Jabuuti.

Si kastaba, wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali ayaa qoraal uu maanta soo dhigay twitter-ka ku sheegay in dhammaan arrimahaas ay yihiin been-abuur.

“Maalmihii dhowaa, waxaa jiray dacaayad ceeb ah oo ka socotay baraha bulshada oo ka dhan ah Jabuuti, oo dalkayga ku eedeeyey inuu ka qeyb-qadaanayo waxa ka socda Laascaanood. Tan waa arrin la been abuuray oo lagu carqaladeynayo xiriirka Jabuuti ay la leedahay deriskeeda,” ayuu yiri.

“Ma jirto cid ka tirsan saamileyda siyaasadda Somaliland oo codsatay dhex-dhexaadinta Jabuuti ee arrimaha ka socda Laascaanood. Illaa ay taasi ka timaado, Jabuuti waxay sii wadi doontaa inay ku ekaato siyaasadda aadka loogu yaqana ee derisnimo iyo dhex-dhexaadnimo.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Jabuuti ay mar kasta sare u qaaddo nabadda gobolka, islamarkaana aysan marnaba faro-gelin arrimaha gudaha ee deriskeeda.

Dagaalka Laascaanood oo maanta galay maalintii sideedaad ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 60 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Dagaalka oo billowday 6-dii Febraayo, ayaa yimid kadib markii odayaasha deegaanka oo maalmo ku shirsanaa magaalada ay soo saareen go’aanno ay ka mid yihiin inaysan qeyb ka aheyn maamulka Somaliland, islamarkaana ay hoos tagaan dowladda federaalka Soomaaliya.