Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho, ayada oo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Musharraxiinta kursiga Mahad Salaad oo shahaadada qaatay maanta
Guddiga KMG ee dhamaystirka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shahaadada Musharaxnimo guddoonsiiyay qaar ka mid ah Musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 kaas oo deegaan doorashiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda DG Galmudug.
Jubbaland oo shacabka ka codsatay inay ka qeybgalaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Shacabka ka codsatay in door wanaagsan ay ka qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo abaabulkiisu ka socdo deegaannada Jubbaland si gacanta maamulka dib loogu soo celiyo deegaannada ka maqan.
DF oo bisha February billaabi doonta tirakoob dhammaan shaqaalaheeda rayidka ah
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa lagu sheegay in kowda February 2023-ka ay Wasaaradda bilaali doonta tirikoob lagu sameenayo dhammaan shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.
Cabdiraxmaan Candishakuur oo dalbaday hay’adaha amniga in looga yeero Baarlamaanka Federaalka
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo xaadiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa dalbaday in loo yeero hay’addaha amniga.
Dowladda Soomaaliya oo amar culus ku soo rogtay hay’adaha gar gaarka una qabatay 2 bil
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay go’aan ay ku fareyso hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta inay si dhakhso ah ugu soo guuraan gudaha dalka.
Xamsa Barre oo kulan la yeeshay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo shir Guddoomiyay Shirka Billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha & maareeyaasha Hay’adaha Dowladda si loo dardargeliyo waxyaabaha ay bulshadu u baahan tahay.
Erdoğan “Suuragal in aan u oggolaano NATO Finland lagama yaabo Sweden inay ku biirto
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu codka ku biirista Isbaheysiga NATO laga yaabo in uu siiyo Finland balse aanay laga yaabin uu marnaba u codeeyo Sweden oo fasaxooda u baahan.
Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo soo gaaray caasimadda Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Dowladda Tanzania oo beenisay in amni xumo ka jirto dalkeeda
Dowladda Tanzania ayaa beenisay in dalkeeda ay ka jiraan qalalaase amni iyo dhaqdhaqaayo aragagixiso, iyada oo muwaadiniinteeda iyo ajaanibtaba ugu u sheegtay in aaney jirin amni darro, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.




