DF oo bisha February billaabi doonta tirakoob dhammaan shaqaalaheeda rayidka ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa lagu sheegay in kowda February 2023-ka ay Wasaaradda bilaali doonta tirikoob lagu sameenayo dhammaan shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.

Tiro koobka rasmiga ah ee lagu sameenayo dhammaan shaqaalaha Rayidka ayna sameeneyso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isugu jira laba nuuc oo kala ah; mid madax ka tirin ah iyo mid suul saar ah sida lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa imaanaya ka gadaal amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre kaas oo tilmaamayey in shaqaalaha Dowladda lagu sameeyo Tiro koob guud iyo iyada oo xaqiijinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo hufnaanta shaqaalaha.

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu sheegay in lagu Ogeysiinayo dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Tirakoobka Bilaabanaya 1-da Bisha Labaad.

Tira koobka ayaa waxaa hagi doona laba Guddi oo ay Wasaaradda u xil saartay, kuwaas oo kala ah; Guddi Farsamo oo ah guddi tirokoobka fulinaya, kaas oo raacaya habraaca loo dejiyay iyo Guddiga korjoogtaynta iyo kormeerka habsami usocodka tirakoobka.

Guddiga korjoogteynta oo ka kooban afar xubnood ayaa waxa ay ka kala yimaadeen, laba xubnood oo ka socota Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, xubin Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo xubin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga Farsamada ayaa ka kooban 10 xubnood kuwaas oo ka kala yimid; shan xubnood Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, saddex xubnood Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, xubin Xafiiska Hanti dhowraha Qaranka iyo xubin Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Tirakoobka shaqaalaha Rayid ayaa laga fulin doona Hay’adaha kala duwan ee Dowladda kuwaas oo gaaraya 43, waxaana la soo gabagabeen doona 6 March 2023-ka, sida lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.