Kismaayo (Raxanreeb) — Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Shacabka ka codsatay in door wanaagsan ay ka qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo abaabulkiisu ka socdo deegaannada Jubbaland si gacanta maamulka dib loogu soo celiyo deegaannada ka maqan.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo xarunta KMG ah ee Jubbaland, Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa Shacabka Kismaayo ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan kaalinta ay ku leeyihiin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Jubbaland ayaa sheegtay in la waayay waddooyin la isku maro maadaama saddex degmo oo kamid ah 5ta degmo uu ka kooban yahay Gobolka Jubbada Hoose ay heystaan Al-Shabaab sidaas awgeed loo baahan yahay in la taageero abaabulka ka dhanka ah, Al-Shabaab ee socda.
“Waad ogtihiin in Gobolka Jubbada Hoose uu 5 degmo yahay, saddex degmo way maqan yihiin, Degmooyinka ugu barwaaqada badan oo ay kamid tahay Jamaame & Badhaadhe, xoolaha meesha ay ka imaan jireen waxa oo dhan way maqan yihiin, ma iska fadhineynaa marka Degmada Kismaayo, waa maya, arrintaan waxa anu leeyahay ciil ayaa na dilay oo meel la isku maro malahan, Jamaame ma tagi karo” Sidaasi waxaa yiri mas’uuliyiin katirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo ka hadlay shirka taageerada loogu raadinayay howlgallada Al-Shabaab looga saarayo dalka.
Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Cumar Faraweyne ayaa sheegay in sugidda amniga Magaalada Kismaayo uu mas’uuliyad ka saaran yahay maamulka & Shacabka, habka looga hortagi karo qaraxyada ayuu ku tilmaamay in wadashaqeynta dhexdooda ugu horreyso.