Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo soo gaaray caasimadda Muqdisho

Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti oo soo gaaray caasimadda Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaana soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Labada Wasiir Difaac ee dowlqdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya iyo ciidamada dalkaas ka socda ee ku howlgala Magaca Midowga Afrika ee ATMIS iyaga oo fasax ka heysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Xasan Cumar Burhaan la wadaagay howlgallada ka socda Gobollada Dalka ee Al-Shabaab looga qabsaday magaalooyin badan oo muhiim ah.

Wafdiga la socday Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti oo qayb ay ka ahaayeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalkaasi ayaa la kulmay xubnaha la socday Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Soomaaliya ayaa Jabuuti u ballanqaadday in garab istaag buuxa u muujineyso, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dabayaaqadii December 2022 Muqdisho booqasho ku yimid ayaa taageeray howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.