Muqdisho (Raxanreeb) — Guddiga KMG ee dhamaystirka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Shahaadada Musharaxnimo guddoonsiiyay qaar ka mid ah Musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 kaas oo deegaan doorashiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda DG Galmudug.
Guddiga ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Musharax Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka mid ah musharaxiinrta kursiga HOP#147 oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaas oo ka mid ah kuraasta Bannaan.
Kursiga oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filaya in doorashadiisa la qabto Maalinta Berri ah oo ku beegan taariikh 1-da February 2022-ka oo ah maalintii uu Guddiga ku meel gaarka ah ee dhamaystirka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad u asteeyay in la qabto doorashada.
Kursigaan ayaa waxaa ku fadhiyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Mahad Maxamed Salaad, oo doorashada kursigaan ku soo baxay 17 Febraayo 2022, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusomareeb, iyada oo doorashada la tartantay Shamso Cabdullaahi Maxamed oo markii dambe u tanaasushay sida uu ku dhawaaqay SEIT Galmudug.
26 May 2022-ka Mahad Salaad ayaa Banneeyay xubinnimadiisa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ka gadaal markii Golaha Wasiirrada Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay u magacaabeen Agaasimaha NISA.