Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo shir Guddoomiyay Shirka Billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha & maareeyaasha Hay’adaha Dowladda si loo dardargeliyo waxyaabaha ay bulshadu u baahan tahay.
Wasiirka 1aad ee XFS Xamsa Cabdi ayaa sheegay in rejo wanaagsan ay ka muuqato wax ka qabashada ballamihii horay ee ahaa in wax laga qabto dhibaatooyinka hortaagan in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin.
Wadashaqeynta ayuu laf-dhabar uga dhigay in lagu gaari karo howlaha horyaalla agaasimeyaasha maadaama deegaanno badan ay kusoo kordheen magaalooyinka maamulka Dowladda Federaalka uu gaaray kaddib markii laga qabsaday ‘AS’.
“Kulankaan waxa uu amhiyad guud u leeyahay Dalka, waxaa si dhab ah looga hadlaa xaaladda, si ka fog siyaasadda, mujaamalada & xaqiiqo la’aanta, aan isweydiino maxaa is baddelay, waxa aan jeclaan lahaa in aan ogaano horumarka fiican ee la gaaray, 26% ayaa kor loo kacay, bisha soo socota waxa aan isleeyahay waa labo laab laga dhigo, wax weliba qeexitaan rasmi ah malahan marka waxa aan jeclaan lahaa in dadka isku shaqada ah wadashaqeyn yeeshaan oo is ogolaadaan” RW XFS Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka looga fadhiyo sidii ay adeegyada Bulshad uga hirgelin lahayd Magaalooyinka ‘AS’ laga qabsaday si Dadka ku nool ay u helaan adeegyadaas ay u baahan yihiin.