Guddomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin samatar ayaa sheegtay in in ay heshay farriimo hanjabaad dil ah, kaddib markii hadalkio muranka badan dhaliyay oo ku saabsanaa sharciga Jinsiga.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
ATMS oo ka hadashay dil bareer ah oo ay u geysteen muwaadiniin Soomaali Ceelasha Biyaha
howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa shalay Wiil Dhalinyaro ahaa waxaa ay mid kamid ah gaadiidkooda ku jiirsiiyeen xilli uu ku sugnaa degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, isaga oo dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday, waxaana War kasoo saaray howlgalka ATMIS.
Faahfaahin ku saabsan hoggaamiyihii ururka Daacish oo lagu dilay Syria
Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaal dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey afhayeenka kooxdaas oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey Arbacadii. Afhayeenku faahfaahin intaas ka badan ma bixinin.
Kiiska Axmed Rashiid oo yeeshay weji cusub
Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah.
Ra’isulwasaare Xamsa Barre oo shir guddoomiyay shir loogu hadlayay deegaannadii la xoreeyay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayay xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladda ee muhiimka ah.
Weriyaal lagu xiray Baydhabo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidanka Nabadsugidda ee Maamulka Koonfur Galbeed ay goordhow xireen saddex Wariye oo ka tirsan Ururka Saxafiyiinta Somaaliyeed ee SJS.
Koonfur Galbeed oo sheegtay inay dileen saraakiil katirsan Shabaab
Ciidamada dowlad Goboleedka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay degaano u dow degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.
Twitterka oo joojiyay siyaasad lagu xakamaynayay wararka aan sugnayn
Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19, tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19
Maraykanka oo saxiixay heshiis hub lagaga iibinayo Qatar
Dawladda Maraykanka ayaa ansixisay in dalka Qatar laga iibiyo hub gaaraya illaa $1 bilyan oo dollar, waxaana arrintan la shaaciyey intii lagu guda-jiday wakhtiga nasashada ee ciyaarta koobka adduunka ee dhex martay xulalka Maraykanka iyo Iran, taas oo ku soo dhamaatay in xulka Maraykanku uu hal gool kaga badiyo xulka Iran.
Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii hotel Rays
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Axaddii ku qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo sheego yaab leh uu ka sameeyey.


