ATMS oo ka hadashay dil bareer ah oo ay u geysteen muwaadiniin Soomaali Ceelasha Biyaha

Muqdisho (Raxanreeb) — Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa shalay Wiil Dhalinyaro ahaa waxaa ay mid kamid ah gaadiidkooda ku jiirsiiyeen xilli uu ku sugnaa degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, isaga oo dhaawac culus oo soo gaaray u geeriyooday, waxaana War kasoo saaray howlgalka ATMIS.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxa lagu sheegay in xillia shilka uu dhacayay uu Wiilka dhalinayrada ah uu dhex maray labo gaari oo nuuca gaashaaman ah kadibna ay jiireen,isla markaana markii uu shilku dhacay ay dadku bilaabeen in ay ku soo xoomaan kolonyada oo ay xirteen wadada.

Sidoo kale ATMIS ayaa sheegtay in Maamulka degmada oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobolka Sh/hoose iyo guddoomiyaha degmada ay sameeyeen dadaalo keentay in wadada loo furo kolanyada.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado ayaa lagu yiri” Warka ATMIS.

Ugu dambeyn howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in baaritaanka socda waxyaabihii kasoo baxa ay soo bandhigi doonaan guddi baaritaan oo loo xilsaaray, kuwaas oo hadda ku guda jira.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhowr jeer qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ay gawaaridooda ku jiirsiiyeen dad Shacab ah, hayeeshee aan weli la arag askari katirsan ATMIS oo falalkaas loo maxkamadeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.