Twitterka oo joojiyay siyaasad lagu xakamaynayay wararka aan sugnayn

New York (Raxanreeb) — Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xidhiidha xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19, tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19.

Tallaabadan ayaa su’aal gelinaysa, habka uu maamulka cusub ee shirkadda Twitter ula macaamilayo la dagaalanka macluumaadka khaldan ee lagu wadaago shabakaddan isgaadhsiinta, maadaama maamulka cusub ee shirkadda iibsaday uu shaqada ka eryey kala badh shaqaalihii shirkadda.

“Laga bilaabo bishan November 23-keedii, shabakadda Twitter ma dhaqan gelinayso siyaasadda la xidhiidha macluumaadka marin habaabinta wata ee COVID-19,” ayaa lagu sheegay qoraal ka so baxay maamulka shirkadda. Warkan ayaa markii ugu horraysya waxaa tebiyey telefiishanka CNN Salaasadii.

Illaa haatan xog badan lagama hayo tallaabooyinka xiga ee ay shirkaddu qaadayso, sidoo kalena codsiyo loo diray si wax looga weydiiyo arrintan ayaanay ka soo jawaabin.

Reuters

Leave a Reply

Your email address will not be published.