Sacdiyo Samatar oo sheegtay in nafteeda halis ku jirto

Muqdisho (Raxanreeb) — Guddomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin samatar ayaa sheegtay in in ay heshay farriimo hanjabaad dil ah, kaddib markii hadalkio muranka badan dhaliyay oo ku saabsanaa sharciga Jinsiga.

Sacdiya ayaa dhanka kale faah faahino ka bixisay hadalkeedii waxayna sheegtay in si khaldan loo tarjumay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in aysan ka mid ahayn kuwa u olaleeya sharciga qeybta laga digay ayna ka mid ahayd sharciga dadkii diiday markii sannado ka hor la hor keenay baarlamaanka Soomaaliya.

Sac diya ayaa sharciga nooca ay u olaleyneyso u bixisay magaca “Sharaf Dhowr” ee aan loogu yeeri karin magacyada kale ee hawada ku jira.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan madoobe ayaa sheegay in marnaba la marsiin karin baarlamaanka sharci diinta Islaamka ka hor imaanaya.

Sacdiyo oo deegaan doorashadeedu tahay Puntland ayaa la kulantay canaan iyo eedeeyno kala duwan kaddib markii hadalkeeda loo arkay kuwoo ku xad gudub ku ah.

Afhayeenka golaha shacabka Aadan Madoobe oo ka hadlay kulan ay shalay yeesheen labada gole ayaa sheegay in baarlamaanka “aan la hor keeni karin” xeer khilaaftan Diinta Islaamka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Hoose Sacdiya Yaasiin Samatar ay wacad ku martay ansixinta Hindese sharciyeedka muranka badan dhaliyay Dambiyada Kufsiga.

Xigasho: Garowe Online

Leave a Reply

Your email address will not be published.