Baaritaan ku bilowday saraakiil loo haysto musuqa Saadka Ciidanka DANAB.

Baaritaan ku bilowday saraakiil loo haysto musuqa Saadka Ciidanka DANAB.

Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bilowday , baaritaan ku saabsan sida uu u dhacay lunsasho lagu sameeyay saadka ciidanka gaarka ah ee danab oo noqotay fadeexo soo wajahday Dowladda Soomaaliya.

Baaritaanada xoogooda waxa uu ka socdaa wasaaradda – gaashaandhiga iyo xarunta Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil gaar ah ayaa la xaqiijiyaaa in ay bilaabeen shirar kala duwan oo ay la qaadanayaan qaybaha ciidanka si ay u soo ogaadaan cida ku lugta lahayd in la leexsado saadka ciidanka gaarka ah ee danab.

Maalmaha soo aadan ayaa lagu wadaa in si toos ah ay bilowdaan , baaritaanka la xiriira dhacdadan oo sababtay in la joojiyo taageerida dowladda Mareykanka ay siinaysay ciidanka Danab.

Jaamac ayaa sheegay in falkan ay ku lug leeyihiin saraakiil sar-sare oo ciidamada kamid ah, islamarkaana lasoo xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaysa dhibaatooyin badan oo la xiriira xagga ciidanka maadama ay soo baxayaan in la musuqayo saadka ciidanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.