Bahda Waxbarashada oo go’aan culus soo saaray kadib dilkii Macallinka

Bahda Waxbarashada oo go’aan culus soo saaray kadib dilkii Macallinka

Muqdisho (Raxanreeb) — Bahda waxbarashada gobolka Banaadir, ayaa maanta soo saaray go’aan adag kaddib dilkii maalin kahor magaalada Muqdisho loogu gaystay Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiikar, oo lagu dhex dilay iskuulka weyn ee Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Bahda Waxbarashada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Iskuulka ayaa canbaareeyay marka hore, dilka arxan darrada ee loogu geeystay Macallinka, iskuulka dhexdiisa.

Sidoo kale Bahda ayaa farriin adag u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona ugu baaqay inay si deg deg ah, gacanta ugu soo dhigaan gacan ku dhiiglihii ee ka baxsaday caddaaladda.

“Bahda waxbarashada dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan laamaha amniga iyo kuwa garsoorka ka codsanayaan in ay soo qabtaan dambiilihii gaystay dambiga” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id.

Bahda ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen muddo dhan saddex maalmood, taasoo ka billaabaneysa maalinta Sabtida soo socata ee ku beegan 17 bishan Feb.

Go’aankan kasoo baxay Bahda Waxbarashada ayaa saameynaya dhammaan goobaha waxbarashada Iskuullada iyo Jaamacadaha iyadoo ujeeddadu tahay in garab istaag buuxa loo sammeeyo Macallin Macalow.

“Ugu dambeyn bahda waxbarashada dalka oo ka dhiidhineysa dhibaatadii dhacday, garab istaagna u muujineysa Macallinka Soomaaliyeed waxaan go’aan ku gaarnay inaan joojin waxbarashada iskuullada iyo jaamacadaha muddo saddex maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta Sabtida ah oo ah 17-ka bisha February, 2024” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Bahda Waxbarashada.

Macallin Cabdiraxmaan Macalow Abiirkar, ayaa la dilay 12-ka bishan February, xilli uu ku sugnaa Iskuulka, Maxamed Xirsi Nuur (Siidii).

Dilka ayaa yimid kaddib markii macalinka la dilay Cabdiraxaxmaan Macloow Abiikar, ay kasoo dacwoodeen Qoyska Gabar uu macallin u ahaa oo la sheegay inuu canaantay oo uu madaxda Buug uga dhuftay.

Sida uu maamulaha Iskuulka sheegay Arday hore uga baxay isla Dugsiga oo la dhashay gabadha uu Macalinku cannaantay oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Maxamuud, ayaa Tooreey ku weeeraray Macalinka, isagoo dhowr jeer ku dhuftay taasoo keentay inuu u geeriyoodo Tooreyda hore oo ka haleeshay wadnaha.