Baydhabo: Nin Masjid qaraxyo ku weeraray oo la qabtay

Baydhabo: Nin Masjid qaraxyo ku weeraray oo la qabtay

Baydhabo (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada amniga ka sameeyeen gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah, ee maamulka goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii bam gacmeed lagu weeraray masjid ku yaalla Baydhabo, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga.

Ciidamada amniga oo howlgallo sameeyay ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii geeystay falkaasi foosha xun, isagoona isku dayay in uu baxsado balse gacanta lagu dhigay oo hadda lagu xiray saldhiiga dhexe ee Baydhabo.

Nin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay sida lagu soo qabtay eedeysanaha oo uu sheegay in hada ay gacanta ku haayaan ciidamada Asluubta.

“Ninka falka gaystay, isla markii ayaa horay laga qabtay ciidanka Asluubta ayaa howlgalay gacanta ayaana lagu soo dhigay” ayuu yiri mas’uulkaasi.

Masu’ulkan ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka ku dhaqan magaaladaasi in ciidamada amniga kala shaqeeyaan waxyaabaha amniga lidiga ku ah, ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

“Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada deegaanka” ayuu yiri mar kale.

Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa ka jiray falal amniga lidi ku ah, kuwaas oo inta badan ka dhacayay gudaha magaaladaasi.