PUNTLAND : Kuma jirno dhamaan Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

PUNTLAND : Kuma jirno dhamaan Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Garoowe (Raxanreeb )- Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan ka mid ahayn Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliay ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud.

War ka soo baxay Puntland ayaa lagu diiday  gabi ahaanba wax ka bedelka Dastuurka ee ay meelmariyeen Barlamaanka Soomaaliya kaas oo wali muran xooggan uu ka taagan yahay.

Puntland waxay sheegtay in inta laga helayo dowlad loo dhan yahay, oo heshiis lagu yahay ay qaadaneyso Awood dowlad dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.

Go’aanka Puntland ayaa waxaa uu jawaab u ahaa talaabadii Xildhibaanadda Labada Aqal ee baarlamanka Somalia ku anxsixiyeen Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee wax ka bedelka dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.