Warsheekh (Raxanreeb ) Masuuliyiin kala duwan ayaa ku baxay dhaxdhaxaadinta beelo walaala ah oo wada dega gobolka Shabeellaha dhexe kuwaas oo in mudda ahba dagaal uu dhaxmarayay.
Xubnaha ku baxay dagaal beeleedka waxaa ka mid ah Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed , kana mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Sharif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Duubabka iyo waxgaradka Gogoshaan Nabadeed isugu yimid ku adkeeyay inay dhameeyaan colaada deegaanadaan ka jirta si bulshadu ay ugu noolaadaan nabad wadajir iyo walaalnimo.
“Colaada waxaa ugu daran mida qaraabada gasha waxay leedahay cuqubo khatar ah, dadkaan kalama mudna inay isdilaan, waa in dhaqankaan deg deg loo bedelo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamay deegaano ka tirsan degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux halka kuwo kalana ay ka barakaceen,waxaana sidoo kale dagaaladaas lagu gubay guryo ay degenaayeen dad xoolo dhaqato ah.
Leave a Reply