BFS oo maanta  ‘’cabsi amni’’u baajiyay kulankii Golaha shacabka

BFS oo maanta  ‘’cabsi amni’’u baajiyay kulankii Golaha shacabka

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaca ah waxaa dib loo dhigay kulan  lagu waday in mudanayaasha Golaha shacabka ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho , sida  lagu wargaliyay xildhibaanada.

Warar warbaahinta ay heshay ayaa sheegay in kulanka loo baajiyay sabab la xiriirta amniga caasimadda oo  ay ka taagan tahay xaalad hubinti la’aan ah taas oo keentay.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa ku wargaliyay xildhibaanada Golaha shacabka in aysan jirin maanta kulankii loo balanaa si  mudanayaasha u gutaan waajibkooda shaqo.

Guddoonka Golaha shacabka wali wax faahfaahin dheeraad ah ma aysan ka bixin baaqashada maanta kulanka Golaha , oo ay ahayd in dood ay ka yeeshaan Hidise sharciyeedyo dhawr ah.

Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la daala dhacaysa wax ka qabashada amniga caasimadda maadama oo keentay in xitaa fadhiyada Barlamaanka ay qabsoomi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.