Adis Abab (Raxanreeb ) Qaramada Midoobay oo sheegtay in 80 –kun oo qof ay ka barakaceen dagaalada iyo duqeymaha ka sii soconaya magaalada Laascanood ee gobolka Sool.
Hay’adda UNHR u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in Deegaanka Doole ee dalka Itoobiya xaalad adag ay ku haysato dad badan oo ka soo cararay dagaalka Laascanood kuwaas oo u baahan gurmad Bani’adanimo.
‘’Dad badan ayaa wali wadada ku soo jira kuwaas oo ka soo carara dagaalada ka socda magaalada Laasacanood waa arin walwalkeeda leh ‘’ sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Hay’adda UNHCR.
Inta badan dadka halkaas u qaxay waa carruur, dumar, haween uur leh iyo hooyooyin naas nuujinaya ilmahooda. Hay’adda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadkan ay kasoo tageen qoysaskooda.
Dagaalada ka sii socda magaalada Laascanood ayaa keeni kara dhibaatooyin cuno in ay wajahayaan qoysaskaas colaada ka soo – baxsanaya ‘’ ayay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Dagaalka Laas Caanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale waxaana wali magaaladaas ka sii socda dagaalada.
Leave a Reply