Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin u dhashay Canada oo ku biirayay Al-Shabaab

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin u dhashay Canada oo ku biirayay Al-Shabaab

Nairobi (Raxanreeb) — Booliiska kahortagga iyo la dagaallanka Argagixisada Kenya (Kenyan Anti – terrorism Police Unit -ATPU) ayaa xabsiga dhigay Ilyaaas Cabdulxamid (Elias Abdulhamid) oo ku eedeysan in uu qorsheeynayey in uu ku biiro dhaq-dhaqaaqa Alshabaab oo dowladda Soomaaliya kula jirto dagaal culus laga soo billaabo June-2022, Booliiska ayaa shaaciyey in la tuhunsaan yahay lagu qabtay magaalada Lunga lunga ee ismaamulka Kwale kaas oo 6KM oo keli ah u jirta xadka Kenya kala dhexeeya dalka Tanzania.

Warka uu shaaciyey Booliiska kahortagga iyo la dagaallanka Argagixisada Kenya (Kenyan Anti – terrorism Police Unit -ATPU) ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kanada uu qorsheynayey in uu u safro Soomaaliya isaga oo sii maraya xuduudka Kenya iyo Tanzania si uu ugu biiro Al-Shabaab.

Ninkan oo lagu qabtay xeebta Diani oo koonfur 30KM ka xigta Mombasa, ayuu Booliisku sheegay in xogaha sirdoonka ay muujinayaan in horey loogu xiray Masar 2019, isagoo isku dayayay inuu ku biiro ISIS.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha la rumeysan yahay inuu sidoo kale isku dayay inuu si sharci darro ah ku galo dalka Mareykanka balse laga hortagay, la tuhunsanaha ayaa booliiska dalka Kenya ka codsaday in aan loo musaafurin dalka Canada halkaas oo ay ka yaaliin eedeymo la xiriira falal argagixisanimo, Kiiska ninkan ayay maxkamaddu dhegaysandoontaa saddexda Janaayo 2023.

Isha (Source) Nation Africa

Leave a Reply

Your email address will not be published.