Booliska oo War kasoo saaray burburinta Dhulkii Wasaaradda..

Booliska oo War kasoo saaray burburinta Dhulkii Wasaaradda..

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay, howlgal saakay ciidamada ammaanka uga saareen dadkii deganaa dhismihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku taallay degmada Boondheere.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in saakay gacanta dowladda mar kale dib ugu soo laabatay dhismihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dad shacab ah degnaayeen muddo sannado ah, waxa uuna sheegay in wasaaradda dib loo dhisayo looguna adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaan u sheego bulshada Soomaaliyeed xarunt wasaaradda arrimaha JFF ee ku taallay degmada Boondheere agagaarka Jubba ay lahayd wasaaradda arrimaha gudaha oo ahayd xarun loogu adeegi jiray bulshada in saaka ay la wareegtay dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaana digniin adag u diray dadka wali degan dhismayaasha dowladda leedahay, waxa uuna ugu baaqay dadkaasi in ay isaga guuraan dhismayaasha dowladda uu sheegay in dowladda u baahan tahay dibna loo dhisayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.