Ciidamada Dowladda Faderaalka ee ku sugnaa degaannada Miido iyo Harboole ee gobalka Jubadda hoose ayaa isaga soo baxay fariisimihii halkaasi ay ku lahaayeen waxayna ku soo laabteen Kismaayo.
Lama cadeyn sababaha ciidamada ay goobahooda usoo baneyeen, iyado dhowr maalin ka hor dagaal ka dhacay Buulo-Xaaji khasaaro xoogan logu geystay kooxaha xagjiriinta ah.
Dowladda Faderaalka ayaa dhawaan ciidamadii ugu horreysay Kismaayo geysay tan iyo markii Maamulka JL la aas-aasay, 2016 ayaa lagu xasuustaa in ciidam ka tirsan Dowladda Kismaayo laga tarxiilay kuwaas Muqdisho lagu celiyay.
Howalgalka lagu xoreyn Al-Shabab ee ka socday deganaada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa istaagay waxaan dib loga soo noqday degaanada badan gacanta DF galay.
Al-Shabaab ayaa Jubbaland ka heysta gobalka Jubadda dhexe, qeybo kamid ah Jubadda hoose iyo degaano Gedo ah kuwaas u baahan in howalgalka looga xoreynayo laqaado Al-Shabab, balse hadda DF iyo JL ay isku fahmi la,yihiin hor-socodka Howlgalka.
Leave a Reply