Laascaanood (raxanreeb Online) Ciidamada Booliska Waqooyi-Bari Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay labo eedeysane oo lagu soo qabtay iyagoo ku hawlanaayeen ka ganacsiga maandooriyaha khamriga gudaha magaalada Laascaanood.
Eedeysanayaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa:Cabdixaafid Aadan Cabdi, ina Faadumo Cismaan Bucul, da’diisuna tahay 24 jir iyo
Axmed Jaamac Ibraahim, ina Sahra Xasan Cismaan, da’diisuna tahay 27 jir.
Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, eedeysanayaashan ayaa lagu qabtay iyagoo ku guda jira howlgalka ganacsiga maandooriyaha,
Ciidanka Booliska ayaa hore ugu jirey raad-raac iyo xuuraan ku saabsan dhaqdhaqaaqooda.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Sool, G/le Dhexe Khadar Maxamed Faarax (Gowrac), ayaa sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo maandooriyaha iyo dambiyada la xiriira.
“Ciidanka Booliska Waqooyi-Bari waxa ay ka go’an tahay ciribtirka maandooriyaha, ilaalinta bulshada, iyo xaqiijinta amniga guud ee Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada.”ayuu yiri taliyaha booliska.
Labada eedeysane ayaa hadda lagu hayaa xarunta saldhigga dhexe ee Booliska Laascaanood, waxaana lagu wadaa in Laamaha Garsoorka la horgeeyo

Leave a Reply