Buuq Caawa ka taagan Xafiiska Ra’iisul Wasaarw Xamse

Buuq Caawa ka taagan Xafiiska Ra’iisul Wasaarw Xamse

Buuq ayaa caawa ka taaggan xafiiska Ra’iisul wasaaraha kadib markii ay banaanka u soo baxday xog sheegeysa in caawa la rabay in shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada lagu magacaabo ra’iisul wasaare kuxigeen labaad.

Waxaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha isugu tagay xildhibaannada beesha ku fadhisa kursiga Ra’iisul wasaare kuxigeenka, waxaa kaloo jooga gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Abshiroow, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Jaamac iyo wasiirka maaliyadda Biixi, kuwaas oo dhammaan diiddan in kursigooda ra’iisul wasaare kuxigeenka la daciifiyo.

Horey madaxweyne Xasan Sheekh ayaa reer Koonfur Galbeed ugu ballan-qaaday inuu siinayo ra’iisul wasaare kuxigeen labaad, hadii ay la ansixiyan afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka.

Wali ma furmin kulankii gaarka ahaa ee Golaha wasiirada, iyadoo uusan ra’iisul wasaare Xamse ilaa hada soo galin qeybta shirarka ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.