Maxaas (Raxanreeb ) Seddaxdii maalin ee la soo dhaafay degmada Maxaas ee gobolka Galgaduud waxaa ka soconayay kulamo u dhaxeeyay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo beelaha dega Hiiraan.
Waxaa ku sugnaa kulamadan Waxgaradka iyo ugaasyada beelaha Hiiraan kuwaas oo tabasho ka qaba maamulka Hirshabeelle ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Cali Guudlaawe.
Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in Odayaasha beesha Xawaadle, Cali Jeyte iyo Ugaaska guud ee beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ay isku mowqif ka noqdeen inaan lala shaqeyn Hirshabelle.
Guddoomiyihii xilka laga tuuray Cali Jayte ayaa xogaha ay sheegayaan in Madaxwaynaha uu hordhigay sharuudo ay ka mid yihiin in wax kaalin ah ka yeelan Hirshabeelle howlgalada Hiiraan ay ka bilaabayaan.
Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa Odayaasha waxa ay hordhigeen inuu aqoonsado maamulka Hirshabeelle ee looga dhawaaqay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan.
Wada-hadalada inkastoo wali ay ka socdaan degmada Maxaas , hadana lama oga sida madaxwaynaha uu u aqbali doono sharuudaha beelaha ay ku xireen la shaqaynta Madaxwaynaha.
Gobolka Hiiraan ayaa ahaa meelahii uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ku fiday deegaano badan oo dalka ah.
Leave a Reply