Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo weeraray saldhigyo Al shabaab ku lahaayeen Badhaadhe.

Kismaayo (Raxanreeb online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen Ciidanka daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal si wadajir ah uga fuliyey degaanka Lagta Caanoole ee Dagmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo dhaq dhaqaaqyo ay ka wadeen Xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab.

War kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay howlgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay Kooxda Al-Shabaab kulahaayeen degaanka Lagta Caanoole, isla markaana ay weerarada kasoo abaabuli jireen.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in degaanka Lagta Caanoole ay isku aruursanayeen xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab, ayna howlgalka ku dileen Tobaneeyo katirsan Kooxdaas oo kamid ahaa kuwii ku sugnaa degaankaas.

Sidoo kale intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamadu waxaa ay burburiyeen Saldhigyadii Al-Shabaab ee degaanka Lagta Caanoole ee Dagmada Badhaadhe kadib markii ay isaga tageen.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab si Guud ahaan looga xorreeyo degaannada ay kaga sugan yihiin degaanada Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.