Ciidamada Itoobiya oo weerar madaafiic ah ku qaaday degmada Waajid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen.

Beydhabo (Raxanreeb online) – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah ku qaaday fariisimo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Iska horimaadka ayaa sababay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-Shabaab, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus. Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay ku jawaabeen duqeymo xoogan kadib markii uu dhacay weerarkii hore sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo maamulka deegaanka uusan weli war rasmi ah ka soo saarin.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa maanta oo Sabti ah xoojiyay howlgallada ay ka wadaan degmada Waajid, iyaga oo sii wada dadaallada ay ku xasilinayaan gobolka kadib markii ay soo weerareen.

Al-Shabaab oo war kooban ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay ku dileen askar Itoobiyaan ah, ayna ka furteen hub iyo saanad ciidan. Kooxdu, si kastaba ha ahaatee, ma sheegin tirada khasaaraha iyo inta uu la egyahay qalabka ay qabteen.

Xaalada ayaa ah mid kacsan iyadoo ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.