Ciidamo badan oo laga geeyey furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Cadaan-laxey ( Raxanreeb Online) Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa qaaday talaabo kale oo ay ku xoojineyso howlgallada dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana sacaadihii lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah geysay gobolkaasi.

Meela ay Dowladda  ciidamada geysay  waxaa kamid ah deegaanka Cadaan-laxey ee hoostaga degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cutubyo katirsan ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad, ayaa kamid ah ciidamada ay dowladda geysay fuirmaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisley, ayaa durbo bilaabay howlgallo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaanka,  si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay Al-shabaab kawadaan gobolka.

Dowladda federaalka iyo maamulka Hir-shabeelle, ayaa dhowaan sheegay in la xoojin doono howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.