Ciidamo cusub oo maanta Muqdisho tabar loogu soo xiray

Ciidamo cusub oo maanta Muqdisho tabar loogu soo xiray

Muqdisho (Raxanreeb) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Sulub Axmed Firin, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidan cusub oo gaaraya illaa iyo 70 askari.

Ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kamid noqonaya qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Booliska Soomaaliyeed, sida uu sheegay afhayeenka booliska.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidankaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Ciidankan cusub ayaa muddo ku qaadanayay tababarka dugsiga Tababarka ciidanka booliska ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasi oo ay maanta ka qabsoomtay munaasabadda loogu soo xirayay tababarka.

Askartan ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay qeybihiisa kala duwan, ayada oo dhowrkii billood ee u dambeysay ay soo baxeen dufcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarada ciidanka booliska Soomaaliyeed, ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankan ayaa qeeyb ka noqonaya ciidamada booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa tuma muusikada, xilliyada munaasabadaha dalka, iyo soo dhoweeynta madaxa dalalka kale iyo kuwa dalka.