Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaad uu ku dhaxmaray degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay afka hore ee xarunta maamulka degmada , waxaana la sheegayaa in labada ciidan ee Dowladda uu khasaare kala gaaray.
Sida xogta ku helay iska hor imaadka ayaa ka dhashay xabbado kor loo riday, taasoo keentay kala shaki iyo in rasaas la isweydaarsado.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in iska horimaadka oo socday daqiiqado kooban uu joogsaday markii ay goobta isaga tageen ciidanka booliisa Milatare
Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka booliisa milatare ayaa ku dhintay iska horimaadka, lamana soo sheegin khasaare kale oo ka dhashay.
Maamulka degmada oo aan arintan wax ka waydiinay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan iska hor imaadkan ka dhacay xarunta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dhawrkii maalin ee la soo dhaafay sidan oo kale ayay ciidan ka tirsan Dowladda waxa uu iska hor imaad ku dhaxmaray meelo ka mid ah caasimadda.
Leave a Reply