Ciidan mushaar la’aan ugu baxay deegaano ay kala wareegeen AS.

Ciidan mushaar la’aan ugu baxay deegaano ay kala wareegeen AS.

Ceelbuur (KAAB ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa  bilaabay inay dib ugu  soo baxaan deegaano badan oo ka mid ah gobolka galgaduud ee bartamaha dalka.

Deegaanada ciidanka Dowladda ay isaga baxeen waxaa ka mid ah degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaas oo ka mid ah  deegaanadii ciidanka ay kala wareegeen kooxda Al- Shabaab .

Ciidanka ayaa la sheegay in sababta ugu wayn ee halkaas ay  u baneeyeen ay tahay iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan soo wajahday sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah .

Xubno ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay  in wararkaas ay yihiin kuwo aan waxba  ka jirin ciidankana ay ku guda  jiraan howlmaalmeedkooda sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa aad u qabsaday baraha bulshada warar ku saabsan in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay baneeyeen , goobo muhiim ah oo ka mid ah gobolka Galgaduud sabab la xiriirta .

Ceeldheer ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.