Lababaar ( Raxanreeb Online) Wararka aan ka heleyno Qabalaha Ballidhiig oo ka tirsan Magaalada Lababaar, ayaa sheegaya in halkaasi ay Ciidamada Liyuu Police-ku ka Kexeysteen 11 nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka lamana Xaqiijin sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa xarigga raggan.
Ilo wareedyo Lagu kalsoonyahay, ayaa xaqiijiyay in Duhuradii Ciidamada Liyuu Police oo wata gadiid fara badan ay yimaadeen Qabalaha ballidhiig, iyadoo dadka deegaanku si wanaagsan usoo dhaweeyeen hase yeeshee ay kaxaysteen qaar ka mid ah raggii ku sugnaa goobta iyaga oon bixin wax faahfaahin ah.
Dhanka kale Ciidamada oo soo maray deegaano ka tirsan Santarka Laasacaanood ayaa la sheegay in ay la kulmeen weeraro jid gal ah, balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee arrinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay xasillaneyd xaladda deegaanada hoos yimaada Degmada Lababaar ee Gobolka qorraxay.

Leave a Reply