Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay gobolka Baay

Baydhabo (Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Howlgalka oo lagu sheegay inuu yahay mid wado nadiifin ah, ayaa lagu beegsaday goobo iyo gabaadyo ay Al-Shabaab ku la hayeen deegaano dhowr ah oo u dhaxeeya Buur-hakaba iyo Baydhabo, kuna dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha guutada8-aad ee qeybta 60-aad Gaashaanle Cali Maxamed Aadan (Cali Cadaw), ayaa sheegay in howlgalku si buuxda ugu guuleystay ujeedkiisii, islamarkaana la fashiliyey qorsho ay Al-Shabaab u maleegayeen shacabka iyo isu-socodka gaadiidka.

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu tilmaamay in ciidamada ay burburiyeen goobihii gabaadka u ahaa Khawaarijta, kuwaas oo ay ku dhuuman jireen si ay u fuliyaan falal amni darro ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.