Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab, ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ahaa mid sifeyn ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Kumaandooska Gor-Gor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkiisu ahaa in lagu baacsado Shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya deegaannada miyiga ah.

Deegaanka howlgalka laga fuliyay ayaa hoostaga degaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna qiyaastii u jiraa 10-KM degaankaasi, halkaas oo ciidamada ay ka sameeyeen howlgallo sifeyn ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in dalka looga ciribtiro kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.