Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Puntland iyo Magacyada dadka oo la helay

Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Puntland iyo Magacyada dadka oo la helay

Saacadihii la soo dhaafay shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Yucub ee Gobolka Doollo, ee dowlad degaanka Soomaalida kadib markii uu rogmaday Gaari Leylo Calaawi ahaa oo ay leedahay Shirkada Safarada ee Al-Ixsaan , kaas oo ka baxay Garoowe kuna sii jeeday magaalada Qabridahar ee Xlxarunta Gobolka Qoraxay.

Tirada dadka ku dhintay shilka gaariga ayaa waxaa la sheegay in ay yihiin saddex ruux, halka 5  kalane ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhammaantood ahaa dadka Gaariga saarnaa, waxaana dadka dhintay Magacyadooda lagu kala sheegay.

1. Maxamed Shire Cismaan, 40 jir

2. Faadumo Jaamac, 17 jir

3. Caasha Cabdinuur Aadan, 40 jir

Dhaawacyada oo 5 ruux ah ayaa kala ah:

1. Faadumo Siciid Maxamed,

2. Abshiro Cabdinuur

3. Fardawsa Xaashi Soofe

4. Cabdinuur Cali Cabdullaahi

5.  Iyo darawalka oo ka soojeeda Itoobiya laguna maagacaabo Henok Debebe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Shilka Gaari ku dhintay ilaa iyo hadda aan la aqoonsan eheladooda, waxaana socda dadaalo lagu raadinayo Dadka dhintay Eheladooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.