Sheekh Shariif oo Muqdisho ka billaabay Shirar ka dhan ah Xasan Sheekh

Sheekh Shariif oo Muqdisho ka billaabay Shirar ka dhan ah Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dib ugu soo laabtay  Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo Gaar Gaar ah ee uu la yeelanayo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa shalay la kulmay Xildhibaanada Hawiye ku matalo Baarlamaanka labada aqal, sidoo kale xalay wuxuu la kulmay xildhibaanada beelaha Digil iyo Mirifle ku matalo Baarlamaanka Federaalka halka maanta lagu wado inuu la kulmo xildhibanada Baarlamaanka Federaalka ku matalo Beelaha Daarood

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka Sheekh Shariif ayaa si weyn u saluugsan madaxda hadda dalka hogaamisa ee uu ugu horreyo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la filayaa in kulamada uu dhawaan sii ballaariyo.

Maalmaha soo socda waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho imaanaya Siyaasiyiin kale oo mucaarad ah, kuwaas oo Muqdisho ka billaabaya Shirar gaar gaar ah oo looga arrinsanayo xaaladda Guud ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.