Dad Oromo ah oo xalay lagu dilay degmada Beledxaawo

Dad Oromo ah oo xalay lagu dilay degmada Beledxaawo

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo kasoo baxaya degamada Baladxaawo, ayaa sheegaya in 6 qof oo ka soo jeeda qowmiyada Oromada, ee dalka Itoobiya iyo qof Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Nabadoon Maxamed Idris, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 6 qof oo oromo ah maydkooda la dhigay Isbitaalka deegaankaasi, halka 6 kalena iyagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka.

Nabadoonka ayaa sheegay rag hubeysan ay xalay galeen guri ay daganaayeen dadka oromada ah halkaasna ay ku dileen 6 qof oo oromo ah oo 3 kamid ah ay ahaayeen rag halka 3 kale ay ahaayeen dumar, waxaa kale oo uu xaqiijiyay in qof dumar ah, oo Soomaali ah iyadana halkaas lagu dilay weerarkaasi.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Cabdirashiid Caroog oo sina la hadlay laanta afka Soomaaliga, ee bbc, ayaa waxa uu sheegay dilka ka dhacay degmadiisa uu warkaasi jiro, laakiin uusan hadda sheegi karin tiradu inta ay la egtahay, wuxuu kaloo intaa raaciyay in ay ku jiraan hawgal lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay.

Weli ma jirto war rasmi ah, cidda ka dambeysay dilkan walow wararka qaar lagu eedeynayo kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay qof ku sugan Baladxaawo, oo magaciisa qariyay.