NABADOON , caan ah oo Muqdisho lagu dilay & shaqsiyaad loo hayo.

NABADOON , caan ah oo Muqdisho lagu dilay & shaqsiyaad loo hayo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Koox hubaysan ayaa maanta degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku toogtay nabadoon caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

Koox  hubeysan ayaa toogtay Nabadoon Muuse Harun Aadan (Muuse Maquuni) oo katirsan wax-garadka beesha Gaaljecel, waxaana nabadoonka lagu dilay xaafad katirsan degmada Dayniile.

Dilka ka dib waxaa goobta isaga baxsay kooxdii weerarkan fulisay waxaana maydka loo soo qaaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe  waxa ay sheegeen in ay gacanta ay ku soo dhigeen xubno ka mid ah dadkii weerarkan fuliyay.

Nabadoonka goordhaw lagu dilay degmada Dayniile ayaa labo sanno kahor ka bad baaday isku day dil oo loo qorsheeyay, waxaana markaas rasaas lagu furay kasoo gaaray dhaawac uu kasoo kabtay.

Dilalka qorsheysan ee loo geesto wax-garadka ayaa muddooyinkan dambe ku yaraa magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.