Dagaal adag oo dib uga qarxay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo laga helayo gobolka Sool duleedka magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus dib uga qarxay kaas oo u dhexeeyo ciidamada millatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xooggiisa hadda ka socdo bariga magaalada Laascaanood halkaas oo ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka dhashay weerar ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa ASC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.

Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, haddana wararka aan ka heleyno magaalada ayaa sheegaya in cusbitaallada la geeyay dad dagaalka saaka ku dhaawacmay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhexmaray bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.