São Paulo (Raxanreeb) — Booliska Brazil ayaa hawlgal ay ku bartilmaameedsanayaan kooxaha daroogada ee saddex gobol oo Brazil ka tirsan waxaa ku dhintay ugu yaraan 43 qof.
Hawlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Rio de Janeiro, ayay booliisku sheegeen inay ka jawaabeen rasaas ka dhacday deegaanka Complexo da Penha, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.
Horaantii, 14 tuhmane ayaa ku dhintay iska horimaadyo socday shan maalmood, kuwaas oo ah hawlgal ay boolisku ka wadeen gobolka São Paulo, kaasoo loogu magac daray halwgalka gaashaanka.
Sidoo kale gobolka waqooyi bari ee Bahia, saraakiishu waxay sheegeen in 19 tuhmane la dilay tan iyo Jimcihii.
58 qof ayaa lagu soo qabtay howlgallada ka socda gobolka São Paulo, kaasoo billowday ka dib markii sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah lagu dilay Khamiistii magaalada xeebta ku taal ee Guarujá.
Booliska ayaa gacanta ku dhigay 385kg oo maandooriye ah iyo sidoo kale qoryo sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.
Hawlgalka ayaa waxaa dhaleeceeyay wasiirka cadaaladda Brazil Flavio Dino, oo sheegay in falcelinta boolisku aysan u dhigmin dambiga la galay.