Gedo oo dagaal ku “waabaristay ” & Khasaaraha jira

Gedo oo dagaal ku “waabaristay ” & Khasaaraha jira

Doolow (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo maanta oo Jimca ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay weerar khasaare badan dhaliyay .

Waxa uu u dhaxeeyay weerarkan maleeshiyaadka kooxda Al- Shabaab iyo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Weerarka ka dib waxay goobjoogayaashu ay sheegayaan inuu jiray gaari is maadiimin ah oo lala eegtay fariisamaha ciidanka Dowladda ee Geedwayne oo hoostaga degmada Doolow.

Goob-joogayaal ku sugan degaanka Geed-weyne ayaa sheegay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad la iskuna adeegsaday hubka culus oo si weyn looga maqlay degaanada ku dhow halkaas.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah leh ayaa ka dhashay dagaalkaas inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah, rasaas goos goos ah ayaana weli laga maqlayaa degaanka Geed-weyne

Saraakiisha ciidanka Dowladda oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan weerarkaas ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.