DEG- DEG : Dastuurka Jubbaland oo la bedelay & Axmed oo soo laaban doono.

DEG- DEG : Dastuurka Jubbaland oo la bedelay & Axmed oo soo laaban doono.

Kismaayo (Raxanreeb )- Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland  oo goordhow isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaas.

Mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.

Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa horay loogu eedeeyay in ay daacad u yihiin Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana aysan qabsan howlaha isla xisaabtanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.