DEG DEG: Guddoomiyaha degmada Hodan oo shaqo joojin iyo mushaar kajoojin lagu sameeyay.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa lagu sameeyay Shaqo Joojin iyo mushaarka kajarid  dhamaan xubnaha konsolka maamulka degmada, iyadoo la sheegay in dhamaan Konsolka oo ah maamulka degmada loo furi doono Tababar maamul iyo hab dhaqanka bulshada.

Sidoo kale, warqada shaqada looga joojiyay guddoomiyaha degmada Hodan aya waxaa guddoomiye kuxigeenka degmada lagu faray in uu shaqada degmada siiwado ilaa amar dambe.

Dhanka kale, waxaa la rumeysan yahay in arrintan ay ka dambeysay muqaal dhowaantanba heystay baraha bulshada, kaas oo uu guddoomiyaha degmada Hodan si anshaxa kabaxsan uu kula dhaqmay maamo Soomaaliyeed oo waayeel ah, waxaanla sheegay in isaga dhamaan xubnaha konsolka degmada Hodan loo furi doono tababar ku saabsan ladhaqanka bulshada iyo sida loogu shaqeeyo bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.