Muqdisho (Raxanreeb ) Gudoomiyihii Degmada Qoryooley Sidcali Ibraahim Maxamed ayaa Ku Geeriyoodey Qarax goor dhaweyd ka dhacay gudaha Degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan maamulka Degmada ayaa warbaahinta u sheegay geerida Guddoomiyaha Degmada ee maanta.
Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray masuuliyiin ka tiran maamulka Degmada oo maydka halkaas ka qaaday , waxaana la sheegay in laamaha amniga howlgal ay ka bilaabeen deegaanka.
Deegaanada gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka soconaya dadaalo lagu doonayo in xaqiijinayo ammaanka deegaanka.
Wixii ku soo kordha kala soco.
Www.raxanreeb.com
Leave a Reply