Xoghayaha guud ee SJS oo NISA Xabsiga dhigtay

Xoghayaha guud ee SJS oo NISA Xabsiga dhigtay

Muqdisho (Raxanreeb) — Xoghayaha guud ee Somali Journalists Syndicate SJS Cabdalle Axmed Mumin ayaa Airporta ka Muqdisho lagu xiray maanta xilli uu safar shaqo uu u socday Nairobi Kenya.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah shalay uga soo horjeestay goa’ankii dowladda Federaalka kasoo baxay ee ahaa in la qaadan karin wararka Al-Shabaab ayagoona Shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Xalay abbaare 6:30 Xarunta SJS ayaa weerar lagu soo qaaday ayadoona kaamiradaha CCTV ay qabteen 4 nin oo labo ka mid ah ku labisnaayeen dharka Ciidanka NISA halka labada kalena ay dhar cad wateen ayagoona Al-Baabka Xafiiska isku dayay inay galaan ayagoona dhowr mar riixay si uu ugu furmo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.