DFS oo AS oo isku go’aan ka qaatay cayaal-weerada & kuwa maandooriyaha

Muqdisho  (Raxanreeb ) Shir ujeedkiisu ahaa ka wax ka qabashada dhibaatada moondooriyaha iyo cayaal-weerada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho , kaas oo ay ka qayb – galeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir

Waxa lagu soo hadal qaaday shirkan sida muhiim ay u tahay in laga shaqeeyo ciribtirka kooxaha maandooriyaha ku iibiyo magaalada Muqdisho oo sal u ah dhibaatada ka jirta caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shirkaas qayb ka ahaa ayaa sheegay in aanay la aqbali Karin in laga ganacsado, la isticmaalo oo Muqdisho lagu dhex qariyo ‘Daroogada, Ciyaal-weerarada & Al- Shabaab.

Yuusuf Madaalle ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabi doonaan ololaha dagaalka ka dhanka ah kooxaha maandooriyaha iyo cayaal-weerada oo dhibaato ba’an ku haya degmooyin ka mid ah Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa billaabay kulamo inta badan looga hadlayo amniga, la dagaalanka  kooxda Al- Shabaab , Walxaha maanka-dooriya & Ciyaal-weerarada.

Kooxda Al- Shabaab ayaa dhawaan iyagana sheegay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabi doonaan howlgal ka dhanka ah kooxahaas Cayaal-weerada iyo kuwa ka ganacsada maan-dooriyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.