Puntland oo iska diiday taageerida sharci cusub oo la xiriira khayraadka

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowlad – goboleedka maamulka  Puntland ayaa war ka soo saartay taageero la sheegay in wadamada deeqaha bixiya ay siinayso Dowladda  Federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay  Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Kaluumaysiga  ay doonayso in ay meelmariso  heshiis sharci darro , taas oo hadalka lagu yiri in Puntland aysan qayb ka ahayn.

Waxaa lagu yiri warka maamulka Puntland ka soo baxay .

‘’Puntland waxay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland iyo wadamada deeq bixiyaasha ee Soomaaliya taageera in Wasaaradda Kalluumaysiga DFS ay doonayso inay meel mariso Sharci ay ku sheegtay Sharciga horumarinta & maareynta kalluumaysiga Soomaaliyeed ‘’

Sharciga hurumarinta iyo maareynta kalluumaysiga Soomaaliyeed ayaa ka mid ah waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 44aad ee qeexata qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee  Jamhuuriyadda Federaal ah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay  Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan Dastuurka Puntland iyo kan DFS

Leave a Reply

Your email address will not be published.