Dilal & Weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) magaaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal iyo weeraro ay fuliyeen koox hubaysan oo la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al- Shabaab.

Sida wararka ay sheegayaan weerarada qaar waxa kooxaha hubaysan ay ka fuliyeen goob lagu caweeyo oo ku – taala degmada Yashqiid halkaas oo lagu dilay shan qof.

Ka sakow dhimashada waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof kuwaas oo dhaawacyadooda qaarkood la sheegay in ay aad u liidato.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dadka badan lagu dilay.

Magaalada Muqdisho , waxaa ka jira xaalad amni darro oo saamayn aan wanaagsanayn ku yeelatay dadka ku nool caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.