Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Ceeldheer & howlgallo ka socda

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Ceeldheer & howlgallo ka socda

Inta la xaqiijiyay Hal Ruux ayaa ku geeriyooday halka halka qof kale uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay degaanka Gawaan ee Duleedka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa oo lagu Magacaabi jiray Aways Cali Guure (Butugeey) , xilli uu ku socdaalayay wadada degaanka Gawaan.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda degmada Ceeldheer ayaa sheegay in Miinadaas ay wadada ku Aaseen Al-Shabaab si ay Shacabka iyo Ciidamada ugu dhibaateeyaan.

Dhinaca kale Ciidamada degaanka ee Macawiisleyda ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Degaannada howlgallo laga fuliyay degaannada kale ah, Xalaneey, dalxiis, dalsan, gawaan , Hoodleey, Burdiir, Ceelqaboobe, durdur, Ceelqalow iyo tuulooyin kale.

Daahir Yuusuf Hani iyo Maxamed Kaahiye Hilowle ayaa siwadajir ah u sheegay inay soo dhamaadeen waayihii Al-Shabaab, isla markaana Ciidanka degaanka ay u diyaarsan yihiin ka hortaga dhibaatada ay ku hayaan Shacabka.

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinkii laga xorreeyay Al-Shabaab oo muddo ka badan 15 sano gacanta ku haayay, waxaana ammaanka degmadaas gacanta ku haya Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.